Qandaraaska Iibka

Halkaan waxaa ka helaysaa qandaraaska iibka ku saabsan isticmaalka adeegyada Gamuun dhijitaal, wuxuuna khuseeyaa shirkadaha aan u qabanayno adeegyadaas.

LABADA DHINAC

Shirkadda “Gamuun dhijitaal” oo ku taala Muqdisho, Somaliya waxaa loogu yeeri doonaa kaliya magaceeda oo ah “GAMUUN DHIJITAAL”, sidoo kale qofka ama shirkadaha aan adeega u qabanayno waxaa loogu yeeri doonaa “ADEEGSADE”, waana qandaraaska u dhaxeyn doono labada dhinac.

MAWDUUCA QANDARAASKA

b. Adeegyada ay qaadanayaan shirkadaha waxay isticmaali doonaan adeegyadaas muddo sanad ah, waxaana laga saxiixi doonaa shirkadda qaadanaysa adeegyadeena. b. Iimaylka lagu qoro warqadda saxiixa waxaa loo qaadan doonaa iimaylka ogaysiinta. c. Qandaraaskaan wuxuu ka kooban 8 qodob oo waa weyn.

Qandaraaskaan, wuxuu qeexayaa xiriirka ka dhexeyn doono GAMUUN DHIJITAAL iyo ADEEGSADE inta lagu gudo jiro muddada ay socoto adeegyada.

WAKHTIGA QANDARAASKA

Qandaraaskaan, wuxuu ka bilaabmayaa wakhtiga uu ADEEGSADE-hu buuxiyo uuna saxiixo warqadda codsiga adeegga ee GAMUUN DHIJITAAL, waxaana la fulin doonaa oo kaliya adeegyada uu doortay ADEEGSADE-hu , waxayna socon doontaa muddo 1 sano ah. 1 sano kadib hadii uu ADEEGSADE-hu codsado in lala sii wado adeegyada aan u qabanay waxaa khasab ah in markale warqad codsi la saxiixo.

KHIDMADDA IYO BIXINTEEDA

Iyadoo la fiirinayo adeegyada uu doortay ADEEGSADE-hu, khidmadaha adeegyada waxay ku xusan yihiin warqadda codsiga iyo saxiixa. iyadoo laga bilaabayo xilliga aad qaadatay adeega waxaa garaanti ah khidmadda intay tahay inaysan is-bedelaynin 3 sano. “saddex sano khidmadaha lacagahooda isma bedelayaan”.

Nidaamka Kansalidda;

Marka uu ADEEGSADE-hu iibsado adeeg uuna bixiyo khidmadda lana saxiixo waraaqadda adeegyada “SEO, Meta ads, Google Ads, Logo design, Content design & Content palacement” adeegyadaas kansalid lagu ma sameen karo. Hadii ADEEGSADE-hu, kansalo Adeegga Website-ka, muddo ka yar 1 sano ah, iyadoo la fiirinayo maalinta iyo bisha la kansalay adeegaas, GAMUUN DHIJITAAL, waxay ka tashanaysaaa hadii ay soo celin doonto khidmadda uu ADEEGSADE-hu bixiyey.

ADEEGYADA

b) GAMUUN DHIJITAAL waxay ku fududeynaysaa inaad hesho 1(hal) xabo oo domain ah. Domainkaas lama badali karo, qof kale laga ma gadi karo, lama kireyn karo. Qof kale ma adeegsan doono. t) ADEEGSADE-hu, markuu qaadanayo adeega dhisidda website-ka, waxaa laga soo qaadayaa inuu aqbalay Hosting sistem-ka GAMUUN DHIJITAAL. j) Hadii uusan ADEEGSADE-hu, qaadan adeegyo ku lifaaqan naqshadaynta iyo dhisidda website-ka, ADEEGSADE-hu wuxu ku khasban yahay inuu website-ka soo geliyo (xogta, sawirada, iyo badeecadaha) markii la dhameestiro websiteka. x) GAMUUN DHIJITAAL, adeegsadayaasha waxay taleefanka nagala soo hadli karaan maalmaha asbuuca dhexdiisa, halka maalmaha fasaxa ay iimayl nagala soo hadli doonaan. kh) Marka uu ADEEGSADE-hu dhaafo booska shabakada iyo xadka taraafikada la siiyey, waxay bixin doonaan khidmad intaas ka dheer si ay u helaan xad tarafik oo cusub. d) Hadi uu adeegsade-hu qaato adeegyo dheeraad ah waxaa ay isbedeli doontaa shaqadii hore muddo la-eg 24-36 saacadood.

XUQUUQDA IYO MAS’UULIYADAHA DHINACYADA

b) ADEEGSADE-hu, wuxuu xaq uleeyahay adeegsiga mareegahiisa inta ay socoto muddada qandaraaska. Looma ogola iibinta, wareejinta iyo kireynta mareega-ha. t) ADEEGSADE-hu, kuma soo gudbin karo mareegahiisa wax lid ku ah licence-ka la siiyey. ADEEGSADE-hu, isaga ayaa masuul ka ah wax walba oo lagu soo gudbin doono mareegaha, ADEEGSADE-hu, wuxuu aqbalayaa in uusan xad gudub u geesan doonin sharciga dalka ama jumhuuriyadda Soomaaliya. GAMUUN DHIJITAAL wax eed ma aqbali doonto. j) GAMUUN DHIJITAAL, waxay ADEEGSADE-ha ka caawin doontaa mushkilo kasta oo ka timaada mareegaha ama baraha bulshada inta ay socoto muddada qandaraaska. x) Hadii uu ADEEGSADE-hu dalbado in lagu soo wareejiyo mareegahiisa, GAMUUN DHIJITAAL, waxay fiirin doontaa dalabkaas, iyada ayaa xaq u leh hadii ay fulinayso iyo hadii kale. kh) Mareegaha waxaa loo adeegsan doonaa kaliya Hosting-ka ay aqbasho GAMUUN DHIJITAAL, ADEEGSADE-hu ma dalban karo in hosting kale uu soo galo howsha ama uu wax ku soo gudbiyo mareegaha. d) GAMUUN DHIJITAAL, kaliya wuxuu bixiyaa furayaasha lagu galayo hosting-ka, wax intaas ka badan ma bixin doono. r) ADEEGSADE-hu, iimaylada loo sameeyey kuma isticmaali doono wax khaldan ama Spam kuma diri karo. s) GAMUUN DHIJITAAL, hadii ay hesho in iimaylada loo adeegsaday spam ama wax xun, waxay xaq u leedahay inay xidho iimayladaas. hadii ADEEGSADE-hu doonayo in dib loo furo iimayladaas wuxuu ku khasban yahay inuu dib u bixiyo khidmad loogu furo adeegaas. sh) ADEEGSADE-hu, Kood/Code khaldan kuma xiri karo mareegahiisa.

FASIXIDDA QANDARAASKA

b) ADEEGSADE-hu, marka ay dhamaato muddada qandaraaska, hadii uu doonaynin in uu cusboonaysiiyo qandaraaska, mareegehiisa ma cusboosiin doono. Qandaraaskana waa la fasixi doona. t) Hadii ay GAMUUN DHIJITAAL hesho wax lid ku ah qandaraaska ama howsha mareegaha, baraha bulsha iwm, waxay xaq u leedahay inay fasaxdo qandaraaska ayadoo cidna kala tashanaynin. Hadii la fasaxo qandaraaska, ADEEGSADE-ha looma celin doono wax khidmad ah uu horey u bixiyey. j) GAMUUN DHIJITAAL, ADEEGSADE-ha 1 sano ayay u adeegi doontaa oo ah muddada qandaraaska, waxayna ogeysiis siin-doontaa ADEEGSADE-ha 1 bil marka ay ka harsan tahay mudda qandaraaska. Sidoo kale waxa ADEEGSADE-ha la ogeysiin doonaa hadii uu sii wadan doono qaadashada adeegyada ama fasixidda qandaraaska. x) Hadii ADEEGSADE-hu uusan wax codsi ah ama jawaab ah usoo gudbin GAMUUN DHIJITAAL, ADEEGSADE-hu wax (magdhow, magdhow waxyeelo) uma soo gudbin doono GAMUUN DHIJITAAL. Hadii ay dhacdo in magacyada domain-ka ee ka tirsan adeegyada aan dib loo cusboonaysiin sabab la xiriirta lacag bixin la’aan awgeed, ADEEGSADE-hu ma sameen doono wax dalab (magdhow, magdhow waxyeelo) IWM.

Isagoon buuxsamin sanadka koowaad ee Hosting-ka aan samaynayno, khidmadda sanadka koowaad ee la bixiyey iyadoo ADEEGSADE-ha loo celin doonin ayaa Panel-kiisa iyo furayaasha la siin doonaa.

CIQAAB

haddii ay dhacdo wax khilaaf ah oo laga yaabo inay ku dhacaan shuruudaha qandaraaska, labada dhinac waxay aqbalayaan in maxkamadaha dalka ay xukumi doonaan wixii sax ah.

Qandaraaskani waxa uu dhaqan galayaa marka la bilaabo bixinta adeegyada

Mashruuc miyaa haysaa?

20 sano oo waayo-aragnimo ah iyo asxaab khibrad u leh shaqadooda, waxay si aad ah u sugeyaan inay ku siiyaan xalalka ugu fiican uguna habboon baahiyahaaga!

Nala soo xiriir

Inshallah mar dhow waa kugu soo warcilineyna

Fadlan ku qor magacaada.
Fadlan ku qor email-ka .
Fadlan ku qor email sax ah.
Fadlan ku qor mobil-ka .
Fadlan ku qor mobile oo sax ah.
Fadlan ku qor fariintada.

Powered by Web3Forms